Fabinho Oo Shaaca Ka Qaaday Qaabkii Uu Isugu Dayay In Uu Mane Ku Sii Hayo Liverpool

Xiddiga Fabinho ayaa sheegay in uu isku dayay in uu Mane ka hor istaagto in uu ka tago liverpool suuqa xagaagan.

Sadio Mane ayaa isaga tagay Liverpool isaga oo ku biiray kooxda Bayern Munich soona afjaray 6 sano oo uu joogay kooxda ku ciyaarta Anfield.

“Dhamaadkii xilli ciyaareedka, wax badan ayaan la hadlay Sadio. Waxa uu ii sheegay xaalada iyo in uu ka tagi karo kooxda”Fabinho ayaa u sheegay The Athletic.

“Mar walba waxaan ku idhi isaga, Sadio, iska joog halkan, waxa aad ku guulaysan kartaa Premier League iyo Champions League, haka tagin Liverpool, laakiin waxa aan u malaynayaa in uu wakhti hore go’aan qaatay waana in aan Ixtirmaano”ayuu sii raaciyay.

“Sadio waxa uu Liverpool ku soo dhigay sheeko fiican, waxa uu u ciyaaray 6 sano waxana uu kula guulaystay koob kasta waxana uu go’aansaday in uu tartan cusub isku tijaabiyo waana arin caadi ah”

Mane ayaa Liverpool kaga soo tagay lacag dhan 35 milyan oo euro waxana ay Reds badalkiisa la soo wareegtay xiddiga Darwin Nunez.