Fabinho Oo Magacaabay 4 Kooxood Oo Ku Tartamaya Horyaalka Prmeier League Xilli Ciyaareedkan.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Liverpool ee Fabinho ayaa magacaabay 4 kooxood oo ku tartami doona horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Kooxda Man United ayaa haatan hogaaminaysa horyaalka Premier League iyaga oo 3 dhibcood ka horeeya kooxda Liverpool ee kaalinta 2-aad ku jirta.

Man United ayaa Axada la ciyaari doonta kooxda Liverpool kulan ka dhici doona Axada kulan ka tirsan todobaadkii 19-aad ee horyaalka premier League.

Fabinho oo arintaas la hadlaya ayaa uidhi”Man United waa koox ku jirta qaab ciyaareed fiican waxana ay ka mid yihiin kooxaha u tartamaya”.

“Man City ayaa sidoo kale ah koox adag oo 3-dii sano ee ugu dambaysay u tartamaysay horyaalka premier League waxana ay ka mid yihiin kooxaha ugu cad-cad”.

“Sidoo kale kooxaha Tottenhma iyo chelsea ayaa ah kooxo adag waxana ay u tartamayaan ku guulaysiga horyaalka premier League xilli ciyaareedkan”.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumar: 4 Ficil Oo Ay Gabadhu Ku Xadi Karto Qalbiga Ninka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*