Fabinho Oo Kashifay Xiddigii Uu Rajaynayay In Uu Liverpool Ku Biiro Suuqii Xagaaga

Xiddiga khadka dhexe ee Liverpool Fabinho ayaa qirtay inuu aad ula dhacay garabka Leeds United Raphinha.

Labada xiddig ayaa todobaadkii hore ku wada sugnaa waajibaadka xulka qaranka Brazil.

Fabinho ayaa qirtay inuu ka warqabo wararka sheegaya in Raphinha laga yaabo inuu ku biiro Liverpool wuxuuna ku tilmaamay inuu yahay ciyaartoy leh.

“Raphinha, tan iyo markii uu yimid Premier League, wuxuu soo bandhigay qaab ciyaareed aad u wanaagsan wuxuuna ka dhex muuqday Leeds,” ciyaaryahanka khadka dhexe ee Liverpool ayaa u sheegay Globo Esporte.

“Suuqii la soo dhaafay waxa jiray warar sheegaya in uu aadi doono Liverpool laakiin ugu dambayn waxa uu sii joogay Leeds United, waa xiddiga aad u fiican waana xiddig halis ah”.

“Liverpool, waxaan rajeynayay in uu yimaado intii lagu jiray suuqii xagaaga laakiin waxa uu sii joogay Liverpool”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*