Fabinho Oo Kashifay Wixii Uu Jurgen Klopp U Sheegay Si Uu U Buuxiyo Booska Virgil Van Dijk.

Xiddiga Kooxda Liverpool ee Fabinho ayaa shaaca ka qaaday wixii uu Jurgen Klopp u sheegay si uu u buuxiyo booskii uu ka dhaawacmay xiddiga Virgil Van Dijk kulankii Ajax.

Kooxda Liverpool ayaa guul 1/0 ah ka gaadhay kooxda Ajax kulankoodii ugu horeeyay ee tartanka champions League.

Fabinho ayaa ka ciyaaray daafaca dhexe kadib sabab la xidhiidha maqnaanasha daafaca Virgil Van Dijk kaas oo muddo dheer garoomada ka maqnaan doona.

Fabinho oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”waxa aan isku dayi doonaa in aan diyaar u noqdo kubadaha dhaadheer iyo waliba in aan nidaamiyo kooxda, ma ahan wax fudud in aan sameeyo wixii uu Van Dijk samayn jiray taas oo ahayd in uu kooxda la hadli jiray waliba isku dayi jiray in uu noqdo hogaamiye”.

“Anigu ma ihi Van Dijk laakiin waxa aan samayn doonaa waxa awoodayda ah Klopp-na waxa uu ii sheegay in aan la hadlo xiddigaha kooxda waliba aan nidaamiyo”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*