Faah-Faahinta Hesiiska At Arsenal Ka Saxiixatay Nuno Tavares & Wakhtiga Ay Heshiiska Ku Dhawaaqi Karto Oo La Ogaaday.

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay dhamaystirtay heshiiska ay ku doonaysay daafaca bidix ee kooxda Benfica ee Nuno Mendes sida ay sheegayaan wararku.

Gunners ayaa xiddiga Nuno Mendes u doonaysa in uu daafaca Bidix kula tartamo xiddiga Kieran Tierney kadib markii uu Sead Kolasic isaga tagay kooxda.

Kooxda Mikel Arteta ayaa kooxda Benfica kala heshiisay saxiixa xiddiga oo ku kacaya lacag dhan 6.8 milyan euro iyo 1.2 milyan euro oo Guno ah.

Haatan saxafiga Fabrzio Romano ayaa sheeaya in uu Traves ku baasay tijaabada caafimaadka waliba qalinka ku duugay heshiis 5 sano ah oo uu ku joogi doono kooxda.

Isla saxafiga ayaa sheegaya in ay kooxda Arsenal haatan isku diyaarinayo in ay maanta ama Bari ku dhawaaqdo saxiixa xiddiga una soo bandhigto taageerayaasha kooxda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*