Faah-Faahinta Heshiiska Waalida Ah Ee Ay Barcelona U Soo Bandhigtay Lionel Messi Oo La Ogaaday.

Lionel Messi ayaa lagu soo waramayaa in uu sii joogi doono kooxda Barcelona xilli ay kooxdu isku diyaarinayso in ay u soo bandhigto heshiis cusub oo 10 sano ah.

33 jirkaan ayaa si aad ah u doonayay inuu ka tago Camp Nou xagaagii la soo dhaafay ka dib markii uu codsaday in la iibiyo, laakiin ugu dambeyntii wuu sii joogay ka dib markii Barcelona ay dalbatay lacag dhan 625 milyan oo ah lacagta lagu bur-burinayay heshiiskiisa.

Sida laga soo xigtay telefishanka TV3 madaxweynaha cusub ee loo doortay Joan Laporta iyo Jorge Messi, aabaha Lionel Ayaa wadahadalo ku aadan mustaqbalka xiddiga wada qaatay todobaadkan waxana uu ku dhamaaday kulankaas si guul ah.

Barcelona ayaa dooneysa inay u soo bandhigto ciyaaryahanka lixda jeer ku guuleystay Ballon d’Or heshiis 10 sano ah oo uu 2 xilli ciyaareed ku joogi doono kooxda isaga oo sidoo kale ku biiri doona madaxda kooxda marka uu ciyaaraha ka fadhiisto.

Inkasta oo kooxda reer Catalan ka shakisantahay heshiiska oo ku kici doona hal bilyan hadana waxay rajaynayaan in ay u soo bandhigaan Messi heshiiska cusub ka hor inta uuna dhicin heshiiskiisa haatan dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Gabadheey Ma Doonaysaa In Uu Guulaysto Kulankaaga Ugu Horeeya Ee Gacaliyahaaga, 4-tan Arin Ka Fogow, Ma Fiicna.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*