PSG Oo Qarka U Saaran In Ay Barcelona Ku Garaacdo Saxiixa Georginio Wijnaldum & Faah-Faahinta Heshiiska Oo La Ogaaday.

Georginio Wijnaldum ayaa lagu soo waramayaa inuu ogolaaday inuu ku biiro kooxda Paris Saint-Germain xagaagan kadib nmarkii uu dhacay heshiiskiisii Liverpool dhacay.

Xiddiga reer Holland ayaa umuuqday inuu ku biirayo kooxda Barcelona isaga oo xitaa heshiiska shaqsiga ah la gaadhay Barcelona si uu ugu dhaqaaqo kooxda Camp Nou.

Si kasta ha ahaatee wargayska The Guardian ayaa sheegaya in uu xiddiga Wijnaldum haatan u saxiixay kooxda PSG qalinkana ku duugay heshiis 3 sano ah oo uu ku biiri doono kooxda reer France.

Tababaraha Kooxda PSG ee Mauricio Pochettino ayaa xiddiga si toos ah ula xidhiidhay xiddiga si uu ugu qanciyo in uu kula soo biiro kooxda reer France.

Wararka ayaa sheegaya in uu xiddiga reer Holland haatan tijaabada caafimaadka u maray kooxda PSG si uu u dhamaystiro heshiiska uu ugu biirayo kooxda PSG.

Waxa intaas sii dheer in uu xiddiga reer Holland kooxda PSG uga xaadiri doono todobaadkii mushahar dhan 165 kun oo Gini todobaadkii iyada oo heshiiska xiddiga lagu dhawaaqi karo maalmaha soo socda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*