Faah-Faahinta Heshiiska Eric Garcia Ee Barcelona Oo La Ogaaday.

Wargayska Sport ayaa shaaca ka qaaday Faah-Faahinta Heshiiska uu daafaca Man City ee Eric Garcia ugu soo biiri doono kooxda Barcelona marka la gaadho suuqa xagaaga ee dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Wararka ayaa sheegaya in dhamaystirka heshiisku dhawyahay lana filayo in bisha April lagu dhawaaqo saxiixa xiddigu ugu biiri doono kooxda Barcelona xagaaga.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu Eric Garcia qalinka ku duugi doono heshiis 5 sano ah oo uu ku joogi doono koxoda Barcelona oo uu ka tagay xagaagii 2017 kuna biiray Man City.

Xiddiga Garcia ayaa qaab xor ah ugu biiri doona kooxda Barcelona marka uu dhoco heshiiskiisa kooxda Man City dhamaadka xilli ciyaareedkan

Barcelona ayaa ilaa xagaagii hore doonaysay saxiixa xiddiga Eric Garcia si ay ugu xoojiyaan daafaca dhexe laakiin Man City ayaa dul dhigtay madaxa xiddiga lacag dhan 20 milyan oo euro.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*