Faah-Faahinta Heshiiska Cusub Ee Lionel Messi Ee Kooxda Barcelona Oo La Ogaaday

Kooxda Barcelona ayaa qarka u saaran in ay ku dhawaaqdo heshiiska cusub ee ay ka saxiixanayso xiddiga Lionel Messi sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Spain.

Lionel Messi ayaa ku jira maalmihii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa kooxda Barcelona waxana ay kooxdu ku dadaalaysaa in ay heshiis cusub ka saxiixato kabtankeeda.

Wargayska MARCA ayaa sheegaya in ay kooxda Barcelona iyo Lionel Messi si Rasmi ah uga heshiiyeen cusboonaysiinta heshiiska xiddiga reer Argentina kaas oo haatan xulka qarankiisa kala qayb qaadanaya tartanka Copa America.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay kooxda Barcelona xiddiga Ka saxiixatay heshiis ilaa xagaaga 2023 ah oo uu ku sii joogi doono koxoda uu xirfadiisa ciyaareed oo dhan ku soo qaatay.

Ku Dhawaaqista Heshiiska ee Barcelona ayaa la filayaa wakhtiga Soo socda ka hor inta uuna heshiiska xiddigu dhicin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*