Faah-Faahinta Heshiiska Cusub Ee Ay Liverpool Ka Saxiixanayso Virgil Van Dijk Oo La Ogaaday.

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay heshiis wakhti fog ah miiska u saarto daafaca dhexe ee Virgil Van Dijk.

Xiddiga reer Holland ayaa dhaawac uga maqnaa kooxda xilli ciyaareedkan lamana filayo in uu ciyaaro wax kulan ah ilaa bilowga xilli ciyaareedka dambe.

Si kasta ha ahaatee wargayska Football Insider ayaa sheegaya in ay Liverpool doonayso in ay heshiis cusub oo muddo dheer ah ka saxiixato xiddiga 29 jirka ah todobaadyada soo socda.

Wararka ayaa sheegaya in ay Liverpool doonayso in ay xiddiga ka saxiixato heshiis uu kooxda kula joogayo inta ka dhiman xirfadiisa ciyaareed si uu ciyaaraha ugaga fadhiisto Anfield.

Sidoo kale Liverpool ayaa xiddiga diyaar ula ah mushahar uu sanadkii jeebka ugu shuban doono lacag dhan 50 milyan oo euro si uu uga mid noqdo xiddigaha ugu mushaharka badan premeir League.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Fariimo Jacayl Oo Raali Gelin Ah, U Dir Gacalisadaada, Shaki La’aan Way Ku Cafin Doontaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*