Faah-Faahinta Heshiiska Cusub Ee Ay Barcelona U Soo Bandhigtay Lionel Messi Oo La Ogaaday.

Madaxweynaha kooxda Barcelona ee Joan Laporta ayaa heshiis cusub u soo bandhigaya kabtankiisa kooxda ee Lionel Messi inkasta oo ay kooxdu ku jirto xaalad dhaqaale xumo.

Heshiiska xiddiga reer Argentine ee Barcelona ayaa dhici doona xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana si weyn loola xidhiidhinayay in uu isaga tagayo kooxda.

Messi ayaa dhawaan qirtay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda isaga oo warqada bixitaanka gudbiyay xagagii la soo dhaafay ka hor inta uuna go’aankiisa badalin.

Shabakada ESPN ayaa haatan sheegaysa in uu Joan Laporta haatanba ka shaqaynayo in uu Lionel Messi u soo bandhigo heshiis 2 sano ah iyo hal sano oo dookh ah si uu xiddiga ugu sii hayo kooxda.

Xiddiga reer Argentine ee Lionel Messi ayaa dib u helay qaab ciyaareedkiisii fiicnaa waxana uu Joan Laporta doonayaa in uu kooxda ku sii hayo xiddiga ugu yaraan 3 sano oo kale.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Gabadheey Iska Ilaali In Aad 4-tan Su’aal Waydiisid Ninka Kulankiina Ugu Horeeya, Waad Ku Waayi Kartaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*