Faah-Faahinta Heshiiska Ay Real Madrid Diyaarka Ula Tahay Antonio Rudiger Oo La Ogaaday

Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay isku diyaarinayso inay u soo bandhigto daafaca dhexe ee kooxda chelsea Antonio Rudiger kaas oo ay miiska u saarayso lacag dhan 6.8 milyan sanadkii si uu qaab xor ah ugu biiro kooxda xagaaga.

28 jirka ah ayaa lala xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo kooxda chelsea iyada oo uu ku jiro bilihii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa waxana uu xor uga tagi karaa kooxda xagaaga.

Sida laga soo xigtay Defensa Central, Real Madrid ayay ka go’antahay in ay keento daafaca kooxdeeda waxana ay diyaar ula tahay in ay lacag fiican miiska u saarto xiddiga.

Wararka ayaa sheegaya in ay Los Blancos diyaar u tahay in ay xiddiga miiska u saarto xiddiga 6.8 milyan euro mushahar ah sanadkii iyo waliba lacago gunooyin ah.

Xiddiga Rudiger ayaa door weyn ka ciyaaray kooxda chelsea tan ilaa markii uu yimid Thomas Tuchel isaga oo kooxda kula guulaystay Champions League iyo UEFA Super Cup-ka.

Sii Akhriso: Fariimo Jacayl: La Wadaag Qofka Aad Jeceshahay Fariimahan Cajiibka Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*