Faah-Faahinta Heshiiska Ay Juventus Diyaarka Ula Tahay Paul Pogba Oo La Ogaaday.

Juventus ayaa rajeyneysa inay Paul Pogba ku tijaabiso inuu ku laabto Turin iyaga oo diyaar ula ah heshiis uu sanadkii mushahar ugu qaadan doono 10 milyan oo euro si ay u helaan saxiixiisa sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga koobka adduunka ku guulaystay ayaa ilaa haatan diidan in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Man United waxana xor lagu heli karaa dhamaadka xilli ciyaareekan.

Kooxaha Juventus iyo Real Madrid ayaa xiiso u qaba saxixia xiddiga xilli uu xiddigu dhawaan si maldahan u sheegay in uu ku laaban karo Torino.

Sida laga soo xigtay La Gazzetta Dello Sport, Juventus ayaa isku diyaarinaysa in ay 10 milyan oo euro mushahar ahaan u siiso xiddiga Paul Pogba si ay u helaan saxiixiisa.

Pogba ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay xilli ciyaareedkan isaga oo caawiye ka noqday 7 gool kulamada uu ciyaaray ilaa haatan xilli ciyaareedkan.

Sii Akhriso: Ma Dhacday In Gacalisadaadu Ku Siiso Jawaabo Gaagaaban, Ma Is Waydiinaysaa Sababta Ay Sidaas U Samaynayso, Halkan Kaga Bogo Warbixinta Cajiibka Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*