Faah-Faahinta Heshiiska Ay Inter Milan Ku Doonayso Lionel Messi Oo La Ogaaday.

Kooxda Inter Milan ayay ka go’antahay in ay la soo saxiixato xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi waliba si xor ah xagaaga 2021.

Heshiiska xiddiga reer Argentine ee Barcelona ayaa dhici doona 30 bisha June 2021 laakiin Barcelona ayaa ku kalsoon in uu kabtankoodu sii joogi doono kooxda.

Wargayska La Gazzetta dello Sport ayaa sheegaya in ay Inter Milan doonayso saxiixa Messi xagaaga 2021 waliba u diyaarisay heshiis 4 sano ah oo uu ku qaadan doono lacag dhan 260 Milyan.

Sidaas darteed Lionel Messi ayaa sanadkiiba jeebka ku shaban doona wax ka badan 50 milyan oo euro isaga oo ka mushahar badan doona xiddiga Juventus ee Cristiano Ronaldo.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu dhaqaalaha Inter Milan sidoo kale kor u kici doono hadii uu Messi yimaado sabab la xidhiidha awooda uu ku leeyahay adduunka oo dhan.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*