Faah-Faahinta Heshiiska Ay Barcelona U Soo Bandhigtay Georginio Wijnaldum Oo La Ogaaday.

Kooxda Barcelna ayaa lagu soo waramayaa in ay dalab Rasmi ah oo 3 sano ah miisak u saartay xiddiga khadka dhexe ee kooxda liverpool ee Georginio Wijnaldum si uu kooxda xagaaga ugu biiro.

Heshiiska Georginio Wijnaldum ee Liverpool ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana si weyn loola xidhiidhinayay kooxda Barcelona bilihii ugu dambeeay.

Wargayska Mundo Deportivo aya sheegaysa in ay kooxda Barcelona diyaar u tahay in ay xiddiga 30 jirka ah miiska u saarto heshiis 3 sano ah oo uu sanadkii ku qaadan doono lacag dhan 8 milyan oo euro.

Georginio Wijnaldum ayaa doonaya in uu isaga tago kooxda Liverpool waxana uu doonayaa in uu ka hoos ciyaaro tababarihiisii hore ee xulka qaranka ee Ronald Koman oo haatan hogaamiya kooxda Barcelona.

Georginio Wijnaldum ayaa xiddig muhiim ah ka ahaa qorshaha Liverpool tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda waxana uu xilli ciyaareedkan u ciyaaray 40 kulan tartamada oo dhan isaga oo dhaliyay 3 gool.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Gabadheey Ha Ogolaan Guurka Ninka 5-tan Caado Leh, Ma Ahan Mid Kuu Fiican.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*