Faah-Faahinta Heshiiska Ay Arsenal Ku Doonayso Saxiixa Martin Odegaard & Wakhtiga Ay Dhamaystiri Doonto Saxiixa Xiddiga Oo La Ogaaday.

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay maanta dhamaystiri doonto heshiiska ay ku doonayso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Martin Odegaard.

Wargayska El Confidencial ayaa sheegaya in Agaasimaha Farsamada ee kooxda Arsenal ee Edu uu door muhiim ah ka ciyaarayo saxiixa xiddiga Real Madrid.

Gunners ayaa bixin doonta dhamaan mushaharka Odegaard inta uu joogo kooxda iyada oo uu xiddigu mushahar ahaan u qaato lacag dhan 38 kun oo Gini todobaadkii.

Sidoo kale Arsenal ayaa bixin doonta lacag dhan 2 milyan ah oo amaahda ah waxana ay ku dhawyihiin in ay ku dhawaaqaan saxiixa xiddiga.

Waxa la rumaysan yahay in uuna jirin wax heshiis ah oo Arsenal u ogolaan doona in ay si toos ah ula xidhiidho Odegaard xagaaga sidaas darteed uu xiddigu ku laaban doono Rea Madrid.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*