Faah-Faahinta Heshiiska Arsenal Kula Wareegayso Saxiixa Marquinhos Oo La Ogaaday.

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay Kooxda reer Brazil ee São Paulo kala heshiiyeen saxiixa xiddiga Marquinhos

Kooxda reer Brazil ayaa ogolaatay dalab lacageed oo dhan 3.5 milyan euro oo ay kooxda Arsenal ka gudbisay saxiixa xiddiga da’yarka ah.

Marquinhos oo 19 jir ah ayaa si aad loo qiimeeyaa waana xiddig ka ciyaara garabka kaas oo qaab ciyaareed fiican soo bandhigay xilli ciyaareedkan.

Arsenal ayaa wadahadalo kula jirtay kooxda São Paulo waxana la filaya in la dhamaystiro saxiixa saacadaha ama maalmaha yar ee soo socda.

Xiddiga da’yarka ah ayaa la filyaa in uu noqdo saxiixa ugu horeeya ee kooxda Arsenal suuqa kala iibsiga xagaaga isaga oo ku soo biiri doona kooxda 1 bisha July marka uu furmo suuqa xagaaga.

Xiddiga Marquinhos  oo 19 jir ah ayaa qalinka ku duugi doona heshiis 5 sano ah oo uu Emirates ku joogi doono ilaa xagaaga 2027 isaga oo haatan isku diyaarinaya in uu yimaado London si uu tijaabada caafimaadka u maro