Faah-Faahinta Dalabka Liverpool Ku Doonayso Saxiixa Kalidou Koulibaly Oo La Ogaaday.

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay isku diyaarinayso in ay dalab Rasmi ah oo ay ku doonayso daafaca kooxda Napoli ee Kalidou Koulibaly.

Liverpool ayaa diyaarinaysa in ay dalab lacageed iyo waliba daafaca Dejan Lovren isugu darto kooxda Napoli si ay u hesho daafaca Kalidou Koulibaly xagaaga si ay ugu xoojiso kooxda.

Reds ayaa si xoogan loola xidhiidhinayaa daafaca reer Senegal si ay ugu xoojiyaan kooxda kana garab ciyaarsiiyaan Virgil Van Dijk xilli ciyaareedka dambe.

Wargayska Tuttosport ayaa sheegaya in ay kooxda ku guulaystay premier League diyaar u tahay in ay heshiiska ku darto xiddiga 29 jirka ah ee Lovren si uu qiimuhu hoos ugu dhoco.

Kooxda Napoli ayaa daafaca Kalidou Koulibaly ku qiimaysa lacag dhan 90 milyan oo euro waana lacag aad ugu badan koox kasta marka la eego sida uu dhaqaaluhu hoos ugu dhacay.

Advertisements

Sidaas darteed Reds ayaa diyaar u ah in ay Napoli siiso lacag dhan 50 Milyan oo euro ah iyo waliba daafaca Dejan Lovren si ay u helaan Kalidou Koulibaly.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*