Hordhac: Everton Vs Chelsea : Wiilasha Goodison Park Miciyo Libaax Ayay Ku Leeyihiin Garoonkooda

Chelsea ayaa kulankeeda ugu horyaalka xilli mciyaareedkaan waxa ay marti ugu yihiin Everton kuwaasi kooxda Tuchel kaga sareeya garoonkooda.

Xogta Kulanka

Everton ayaa badisay mid kasta oo ka mid ah afartii kulan ee ugu dambeeyay ee ay garoonkeeda kula ciyaartay kooxda chelsea – waana rikoorkoodii ugu fiicnaa kulamada horyaalka tan ilaa markii ay badiyeen 7 kulan oo xiriir ah intii u dhaxaysay 1923 iyo 1935

*Guulahaas waxaa ay yimaaden xilli afar tababare oo kala duwan ay hogaaminayeen kooxdaas ,Marco Silva, Duncan Ferguson (kumeel gaadh), Carlo Ancelotti iyo Frank Lampard.

*Afartaas guul darro ee xariirka ah ee banaanka garoonkooda ay kala kulmaan Everton ay ah tii ugu dheereyd ee ay horyaalka kala kulmaan

* Chelsea waxa ay badiyeen kaliya seddex ka mid ah 14kii kulan ee ugu dambeeyay Premier League ay booqdeen Goodison Park (D2, L9).

Everton ayaan laga badinin kulankeedii furitaanka Premier League 10-kii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay (W4, D6), waana rikoorkooda ugu dheer horyaalka.

* Tababare Lampard ayaa noqon kara macalinklii ugu horeeyay ee laba kulan is xiga horyaalka ah ka guuleysta Chelsea iyadoo uu horay u soo maamulay kooxdaas.

*Kaliya Manchester United ayaa badisay kulankeedii furitaanka xilli ciyaareedka Premier League in ka badan inta ay badisay Chelsea oo 19 jeer haysata.

*Chelsea ayaa laga badiyay kaliya afar ka mid ah 28-kii kulan ee Premier League ay ku ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda intii uu hogaaminayay Thomas Tuchel (W18-guul iyo 6 Barbaro) Si kastaba ha ahaatee, kii ugu dambeeyay wuxuu ahaa Everton bishii May.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*