Everton Mise Liverpool? Michael Owen Oo Saadaaliyay Kulanka Merseyside derby

Maichael Owen ayaa filaya kulankii ugu fiicnaa ee Merseyside derby taariikhda premier League marka ay Everton marti galiso kooxda Liverpool Sabtida.

Everton ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo wakhti fiican ku jira si fiicana ku bilowday xilli ciyaareedkan waliba badiyay dhamaan 4-tii kulan ee ay ciyaareen premier League.

Carlo Ancelotti ayaa rajaynaya in uu xilli ciyaareed fiican ku hogaamiyo Everton kadib markii ay saxiixyo fiican sameeyeen suuqii xagaaga.

Kooxda Liverpool ayaa dhanka kale guuldaro 7/2 oo ceeb ka soo gaadhay kala kulantay Aston Villa kulankii ugu dambeeyay.

Klopp ayaa la filayaa in uu is badal ku sameeyaan shaxdiisa kulanka Everton waxana uu filayaa in ay ka soo kabsadaan guuldaradii soo gaadhay.

“Waxa uu noqon doonaa kulankii ugu fiicnaa ee Merseyside Derby Mudd sanado ah”ayuu Owen yidhi.

“Ma jirin cid saadaalin kartay in ay Everton sida ay u ciyaarayso u ciyaarto kadib xilli ciyaareedkooda fiican”.

“Liverpool ayaa dhankeeda soo galaysa in ay ka soo kabsato guuldaradii 7/2 ahayd.

“Waxa uu noqon doonaa kulan adag oo ay labada kooxood isku dhawaan doonaan.

Owen ayaa saadaaliya in ay Liverpool kulanka ku badin doonto 2/1 hogaankana kula biiri doonto Everton.

Sii Akhriso: Somaliland Oo Go’aan La Yaab Leh Ka Soo Saartay Caleemo Saarka Cuqaasha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*