Euro 2024 Group C: Ayaa U Gudbi Kara Wareega 16-ka Euro 2024.

Waxa la ciyaari doonaa kulamada Group C ugu dambeeya ee ka tirsan Euro 2024.

Xulalka England, Solveia, Denmark iyo Serbia ayaa ku dagaalami doona sidii ay ugu gudbi lahayd wareega xiga.

Hadaba muxuu xul walba u baahanyahay si uu ugu gudbo wareega 16-ka Euro 2024.

Dhammaan jahawareerka iyo mugdiga ku hareeraysan bilowga heerka liita ee England ee tartanka, natiijooyinkii Insiintii ayaa la macno ah in England ay boos ka heshay wareea 16-ka.

Guusha ay ka gaaraan Slovenia ayaa xaqiijin doonta kaalinta koowaad ee Group C, halka barbaro ay sidoo kale ku filnaan doonto haddii Denmark ay ku guuldareysato inay garaacdo Slovenia. Haddii England ay barbaro gasho, Denmarkna ay badiso, waxa lagu kala bixi doonaa farqiga goolasha.

Denmark ayaa ku soo bixi doonta wareega 16ka hadii ay ka badiso Serbia, halka ay ku soo bixi karto kaalinta koowaad hadii ay ku badiyaan labo gool, Englandna ay barbaro la gasho Slovenia.

Slovenia ayaa ku soo bixi doonta guul ay ka gaarto England, halka natiijadaas oo ay Denmark ku guuldareysato inay ku guuleysato ay damaanad qaadi doonto kaalinta koowaad. Hadii Denmark ay badiso, kaalinta koowaad waxa lagu kala bixi doonaa farqiga goolasha.

Serbia ayaa ku dhameysan doonta labada kooxood ee ugu sareysa hadii ay garaacaan Denmark, Englandna ay iska ilaaliyaan guuldarada ka soo gaarta Slovenia.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga