Euro 2024 Group A: Ayaa U Gudbi Kara Wareega 16-ka Euro 2024.

Kulamadii ugu horeeyay ee Group-yada Euro 2024 ayaa hadda la soo gabagabeeyay waxana la isku diyaarinayaa in si buuxda loo ogaado xulalka u gudbaya wareega 16-ka Euro 2024.

Xulalka qaar ayaa u gudbay wareega 16-ka tartanka halka ay xulal kale wali raadinayaan in ay u gudbaan wareega kulanka ugu dambeeya ee wareega Group-yada.

Caawa waxa la ciyaari doonaa Group A iyada oo la ogaan doona xulalka Group-kan uga gudbay wareega xiga ee tartanka.

GROUP A:

Hadaba maxay xulalku u baahanyihiin si ay ugu gudbaan wareega xiga ee tartanka Euro 2024.

  • Si ay si toos ah ugu soo baxaan mid ka mid ah labada xul ee ugu sareeya Group A, Scotland waa inay garaacdaa Hungary, isla markaas rajeeyaan in Switzerland ay guuldaro kala kulmaan Germany.
  • Si kasta ha ahaatee ulka Scotland ayaa u gudbi kara wareega xiga iyaga oo ku soo bixi doona kaalinta 3-aad ee ugu fiican.
  • Xulka Germany ayaa mar hore u gudubtay wareega 16-ka waxana ay ku dhamaysan doonaan kaalinta 1-aad hadii ay ka fogaadaan guuldaro kulanka Switzerland.
  • Xulka Switzerland ayaa u gudbi karta wareega xiga iyaga oo ku dhamaysanaya kaalinta 3-aad ee ugu fiican laakiin waxa ay xaqiiqsanayaan kaalinta 2-aad hadii ay guuldaro ka fogaato kulanka Germany halka ay guul ay gaadhaan ka caawinayso in ay ku dhamaysato kaalinta 1-aad ee Group-ka.
  • Xulka Hungary ayaan si toos ah ugu gudbi Karin wareega xiga laakiin waxa ay fursad u haysataa kaalinta 3-aad e ugu fiican hadii ay ka badiyaan Scotland isla markaas ku badiyaan goolal badan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga