Eto’o: Barcelona Waxa Dhalin Doonta Ugu Yaraan 60 Gool Xilli ciyaareed kasta

Halyeeyga Kooxda Barcelona ee Samuel Eto’o ayaa amaanay saaxiibkiis hore isla markaana ah kabtanka kooxda reer Catalonia, Lionel Messi, iyo waliba heshiiska cusub ee Sergio Aguero.

Aguero Ayaa qaab xor ah ugu biiray kooxda Barcelona ka dib markii uu dhacay heshiiskii uu kula jiray kooxda Man City waxana uu qalinka ku duugay heshiis laba sano ah.

Eto’o ayaa ka hadlay aragtidiisa ku aaddan iska garab ciyaarista Messi iyo Aguero hadii uu Messi qalinka ku duugo heshiis cusub oo Barcelona ah isaga oo arintaas ka hadlaya ayaa yidi”Barcelona waxay dhalin doontaa ugu yaraan 60 gool xilli ciyaareedkiiba”.

Isaga oo ka hadlaya mustaqbalka Lionel Messi ayuu yidhi”Caqli gal maaha in Leo uu ka tago Barcelona, ​​sababtoo ah, Barca waa Gurigiisaa, Kooxdiisii, waana jacaylkiisa kaliya”ayuu sii raaciyay.

Waxaa xusid mudan in Eto’o uu la ciyaaray Messi tan iyo 2004 ilaa iyo markii Halyeeyga reer Cameroon ka tagay kooxda xagaagii 2009 isagoo u dhaqaaqay Inter Milan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*