Ethan Nwaneri Oo Isha Ku Haya Rikoodh Kulanka Chelsea.

Xiddiga Arsenal ee Ethan Nwaneri ayaa laga yaabaa inuu sameeyo taariikh badan oo Premier League ah marka Gunners ay Emirates Stadium ku soo dhaweyso Chelsea kulanka xiisaha badan ee London derby axada.

17-sano jirkaan ayaa durbadiiba noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee abid ka soo muuqday tartanka, tan iyo markii uu taariikhdaas ka horyimid Brentford bishii Sebtember waxana uu muhiim ka noqday kooxda Mikel Arteta.

Xiddiga Nwaneri ayaa la yimid sideed gool iyo hal caawin 28 kulan oo tartamada oo dhan ah xilli ciyaareedkan.

Si kastaba ha ahaatee xiddiga ayaa looga yeedhay xulka qaranka England ee xiddigaha da’doodu ka hoosayso 21 sano jirka.

Arsenal ayaa wali ku dhibaatoonaysa dhaawacyo dhinaca weerarka ah waxana la filayaa in uu Nwaneri ku bilowdo kulanka.

Ma jiro ciyaaryahan ka yar 8 jir oo waligiis shabaqa soo taabtay kulan London Derby ah ka hor inta uuna gaadhin 18 sano.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga