Erling Haaland Oo Saamayn Ku Yeelan Kara Baacsiga Ay Arsenal Ugu Jirto Saxiixa Dusan Vlahovic

Weeraryahanka kooxda Borussia Dortmund ee Erling Haaland ayaa bartilmaameed u ah kooxaha ugu waaweyn qaarada yurub kooxdiisa cusub-na waxa ay saamayn weyn ku yeelan doontaa suuqa Arsenal.

Haaland ayaa dhaliyay 13 gool 12 kulan xilli ciyaareedkan isaga oo sii wada qaab ciyaareedkii cajiibka ahaa ee looga bartay sanadihii ugu dambeeyay.

Kooxaha Manchester United, Manchester City, Real Madrid & Barcelona ayaa dhamaantood doonaya saxiixa xiddiga kooxda uu ku biirana waxa ay saamayn kartaa mustaqbalka xiddiga Fiorentina ee Dusan Vlahovic.

Dusan Vlahovic ayaa bartilmaameed u ah Arsenal iyaga oo u doonaya badalka Pierre-Emerick Aubameyang kaas oo la filayo in uu isaga tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Gunners ayaa diyaar u ah in ay bixiso lacagta 62-ka milyan ah ee ay doonayso Fiorentina laakiin wargayska The Independent ayaa sheegaya in ayna Arsenal doonayn in ay hal mar wada bixiso lacagta laakiin qaybo u bixiso.

Isla wargayska ayaa sheegaya in marka uu Haaland koox cusub ku biiro dhamaan kooxaha kale ee hadhay ayaa dareenkooda u soo jeedin doona saxiixa xiddiga Vlahovic xagaaga taas oo ah war u xun kooxda Arsenal.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*