Erling Haaland Oo Ogolaaday Kooxda Uu Ku Biiri Doono & Wadahadalada Heshiiska Oo Bilowday.

Kooxda Real Madrid ayaa u muuqata mid dareenkeeda ka jeedinaysa xiddiga PSG ee Kylain Mbappe una jeedinaysa xiddiga Borussia Dortmund ee Erling Haaland sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga Erling Haaland ayaa haatanba ogolaaday in uu ku biiro kooxda Los Blancos iyada oo Real Madrid bilowday wadahalada ay ugu dhaqaaqayso xiddiga reer Norway suuqa xagaagan.

Kooxda Real Madrid ayaa bilowday in ay dhigeeda Borussia Dortmund kala heshiiso qiimaha xiddiga kaas oo ay ku qiimayso lacag dhan 150 milyan oo euro iyada oo Dortmund haatanba diiday lacag dhan 110 milyan oo ay Real Madrid ka gudbisay.

Haaland ayaa dhankiisa heshiisak shaqsiga ah la gaadhay kooxda Real Madrid waxana uu wakiilkiisa Mino Raiola u sheegay in uu ka shaqeeyo sidii uu ugu biiri lahaa kooxda Real Madrid.

Laakiin dhibaatada ugu weyn ayaa ah in ayna Real Madrid awood u lahayn in ay bixiso lacagta ay Borussia Dortmund doonayso in ay ku iibiso xiddiga.

Sii Akhriso: Kulanka Sariirta: Faa’iidada Ugu Weyn Ee Kulanka Sariirta Oo Daraasad Lagu Ogaaday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*