Erling Haaland Oo Jabiyay Rikoodh Champions League Ah Kadib Goolashii Club Brugge

Weeraryahanka kooxda Borussia Dortmund Erling Braut Haaland ayaa noqday Xiddigii ugu dhaqsiyaha badnaa taariikhda ee 15 gool ka dhaliya Tartanka Champions League.

Xiddiga reer Norway oo sidoo kale ku guulaystay Abaalmarinta wiilka dahabiga ah ee 2020 ayaa dhaliyay 2 gool kulankii ay Dortmund 3/0 ku garaacday kooxda Club Brugge.

Xilli ay arintas la macno tahay in uu dhaliyay ool kulan kasta oo champions League ah xilli ciyaareedkan hadana 20 jirka ayaa jabiyay rikoodh kale kadib markii uu noqday xiddiga ugu dhaqsiyaha ee dhaliya 15 gool tartanka champions League isaga oo u baahday kaliya 12 kulan.

Waxa intaas sii dheer in xiddiga da’yarka ah dhaliyay goolal ka badan champions League halyeeyada ay ka mid yihiin Ronaldo Iyo Zinedane Zidane halka uu sidoo kale ka goolal badan yahay xiddigo ay ka mid yihiin Pierre-Emerick Aubameyang & Roberto Firmino.

Rikoodhka kulamada ugu yar ee lagu dhaliyo 15-ka gool ee champions League waxa horay u haystay xiddigaha Roberto Soldado iyo Ruud van Nistelrooy, oo labaduba ku gaadhay 19 kulan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*