Erling Haaland Oo Haatanba Filaya Koox PremierLeague Ah Oo U Dhaqaaqi Doonta Saxiixoosa.

Weeraryahanka Borussia Dortmund Erling Braut Haaland ayaa lagu soo waramayaa inuu rumeysan yahay in la siin doono fursad uu ugu biiro Manchester City marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga.

21-sano jirkaan ayaa la filayaa inuu ka tago BVB dhamaadka xilli ciyaareedka iyada oo lagu heli karo lacag dhan 63 milyan oo euro xagaaga.

Man United ayaa la rumaysanyahay in ay isaga baxday tartanka xiddiga sidoo kale Real Madrid ayaa la rumaysanyahay in ayna dareenkeeda ka jeedisay saxiixa xiddiga.

Sida laga soo xigtay wargayska Marca, Haaland ayaa filaya in ay Man City dalab ka gudbiso saxiixiisa suuqa xagaaga iyada oo Citizen suuqa u gali doonto weeraryahan cusub.

Haaland ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 19 gool 6 kalane caawiye ka noqday 17 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan.