Erling Haaland Mise Harry Kane? Paul Scholes Oo Man United U Sheegay Midka Ay Tahay In Ay U Dhaqaaqdo Labada Xiddig.

Halyeeyga Kooxda Man United ee Paul Scholes ayaa kooxdiisii hore ee Man United u sheegay in ay la soo saxiixdaan xiddiga Erling Haaland halkii ay u dhaqaaqi lahaayeen saxiixa xiddiga Harry Kane.

Labada xiddig ayaa si weyn loo hadal hayn doonaa suuqa Xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan xilli ay Man United suuqa u gali doonto xoojinta weerarka marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan.

Haaland ayaa si deg-deg ah uga mid noqday xiddigaha weerarka ee ugu fiican qaarada yurub isaga oo ku jira qaab ciyaareed cajiib ah taas oo soo jiidatay indhaha kooxaha ugu waaweyn qaarada yurub.

Xiddiga 20 jirka ah ayaa xiiso ka helaya kooxaha Man United, Chelsea, Liverpool, Man City, Real Madrid, Barcelona iyo kooxo kale oo waaweyn oo reer yurub ah.

Dhanka kale Harry Kane ayaa lala xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo kooxda Tottenham hadii ay kooxdu u soo bixi waydo champions league sidoo kale ku fashilanto in ay ku guulaysato koobab.

Scholes ayaana kooxdiisa u sheegay in ay muhiimada siiso saxiixa xiddiga Eerling Haaland halka ay u dhaqaaqi lahayd kabtanka xulka England ee Harry Kane.

“Haaland ayaa ah weeraryahanka ugu fiican adduunka haatan, shaki la’aan, waa wax la yaab leh waxa uu samaynayo”ayuu Scholes yidhi.

“Hadii aad haatan la soo saxiixato waxa uu kooxda u shaqayn doonaa 10 sano”.

“Laakiin Harry Kane waa 28, 29 waxana uu ku jiraa halkii ugu saraysay xirfadiisa ciyaareed waxana uu kaliya sii shaqay karaa 2 ilaa 3 sano”ayuu sii raaciyay.

“Harry iyo Haaland waxa lagu heli doonaan lacag badan laakiin Haaland waa mustaqbalka kubada cag”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Fariimo Jacayl Macaan Oo Shukaansi ah Waliba Qalbiga Soo Jiidanayo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*