Erling Braut Haaland Oo Kaliya Doonaya In Uu Laba Koox Midkood Ku Biiro.

Weeraryahanka kooxda Borussia Dortmund Erling Braut Haaland ayaa lagu soo waramayaa inuu hadafkiisa ka dhiganayo inuu ku biiro midkood Real Madrid ama Manchester City xagaaga sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga reer Norway ayaa ka mid ah xiddigaha loogu hadal haynta badan yahay suuqa kadib markii uu qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kooxda Borussia Dortmund 15-kii bilood ee ugu dambeeyay.

Wakiilka Haaland ayaa la kulmay kooxo badan oo reer yurub ah kana mid yihiin Barcelona, Real Madrid, Chelsea, Liverpol, Man United iyo Man City kuwaas oo dhamaantood lala xidhiidhinayo xiddiga.

Wargayska Sport1 ayaa sheegaya in uu xiddiga 20 jirka ah doonayo kaliya in uu ku biiro laba kooxood midkood marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu Haaland doonayo in uu midkood ku biiro kooxaha Man City ama Real Madrid xitaa hadii ay kooxaha kale dalab aad u sareeya u so bandhigaan.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 4 Nooc Oo Ragga Ah Oo Ay Dumarku Ka Faa’iidaystaan, Miyaad Ka Mid Tahay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*