Erling Braut Haaland Oo Hal Shardi Ku Xidhay Man City Hadii Ay Doonayaan Saxiixiisa

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Borussia Dortmund ee Erling Braut Haaland ayaa lagu soo waramayaa in uu diyaar u yahay in uu ku biiro kooxda Man City suuqa xagaaga laakiin kooxda ku xidhay hal shardi oo ah in ay miiska u saaraan mushahar todobaadkii dhan 600 kun o Gin.

Xiddiga 20 jirka ah ayaa ah xiddigaha da’yarka ah ee ugu fiican wakhti xaadirksan si weyna loo hadal hayn doono suuqa kala iibsiga xagaaga xilli lala xidhiidhinayo kooxo badan oo reer yurub ah.

Wargayska The Sun ayaa sheegaya in uu Haaland diyaar u yahay in uu ku biiro kooxda Man City xagaaga laakiin waa in ay ka dhigaan xiddiga ugu mushaharka badan taariikhda horyaalka Premier League.

Dortmund ayaa doonaysa in ay sii haysato xiddiga laakiin xiisaha kooxaha waaweyn ee reer yurub ayaa ku qasbaya in ay iska iibiso xiddiga reer Norway marka uu furmo suuqa kala iibisga xagaaga.

Dhanka kale kooxda Borussia Dortmund ayaa xiddiga 20 jirka ah k qiimaysa laca dhan 180 milyan oo euro taas oo ah lacag rikoodh ah marka la eego da’diisa.

Sii Akhriso: U Gaar Ragga: 4 Qodob Ee Ugu Muhiimsan Aas-aaska U Ah Ee Xulashada Xaaska Kugu Haboon.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*