Erling Braut Haaland Mise Jadon Sancho? Man United Oo Dooratay Xiddiga Ay Bartilmaameedka 1-aad Ka Dhiganayso.

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaar u tahay in ay isaga hadho xiisaha xiddiga Jadon Sancho si ay badalkiisa ugu dhaqaaqdo xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Erling Braut Haaland.

Red Devils ayaa si weyn loola xidhiidhinayay xiddiga Jadon Sancho xagaagii laakiin waxa ay diideen in ay bixiyaan lacagta 120 milyan ah ee ay Dortmund ku iibinaysay xiddiga.

Xiddigii hore ee Man City ayaa ku dhibaatooday kooxda Dortmund xilli ciyaareedkan isaga oo aan wax gool ah dhalin 11 kulan oo Bundesliga ah.

Wararka ayaa sheegaya in ay Man United haatan isaga hadhayso xiisaha Sancho una dhaqaaqayso xiddiga Haaland kaas oo wacdaro ka dhigaya kooxda Dortmund.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*