Erik ten Hag Oo Maamulka Man United Ka Dalbaday Badalka Cristiano Ronaldo, Waa Xiddig U Ciyaara Real Madrid.

Tababaraha kooxda Manchester United Erik ten Hag ayaa lagu soo waramayaa inuu u aqoonsaday weeraryahanka Real Madrid Vinicius Junior bedelka ku haboon ee Cristiano Ronaldo

Red Devils ayaa la sheegay inay ka shaqaynayso sidii ay u burburin lahayd heshiiska Ronaldo kadib waraysigii muranka badan dhaliyay ee uu xiddigu bixiyay todobaadkii hore.

Xiddiga Portugal ayaa si weyn loo filayaa inuu ka tago kooxda ka dib Koobka Adduunka, taasoo horseedi doonta in Man United ay suuqa u gasho bedelkiisa suuqa January.

Sida laga soo xigtay El Nacional, Ten Hag ayaa si aad ah u doonaya in uu Vinicius keeno Old Trafford, isaga oo u arka xiddiga reer Brazil xiddig awood u leh in uu u ciyaaro kooxda sanadaha soo socda.

Wararka ayaa sheegaya in uu tababaraha Man United xitaa la xidhiidhay xiddiga si uu ugu qanciyo in uu iska diido heshiiska cusub ee ay Real Madrid u soo bandhigtay.