Erik ten Hag Oo Kashifay Qaabka Ay Kooxdiisu U Garaaci Karto Man City Axda

Tababaraha Manchester United Erik ten Hag ayaa ku qanacsan in Red Devils ay haysato waxa ay ku garaaci karto kooxda Man City isla markaas dusha ugu saari karto guuldaradii ugu horaysay ee horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Red Devils ayaa Etihad Stadium ku wajihi doonta kooxda ay xifaaltamaan ee Manchester City maalinta Axada Iyada oo labada kooxoodba ay ciyaarta ku soo galayaan qaab ciyaareed fiican.

Kulanka Manchester Derby ayaa la filayaa in uu noqdo mid adag oo ay taageerayaashu ku raaxaystaan daawashadiisa.

Manchester City ayaan wax guuldaro ah dhadhamin horyaalka xilli ciyaareedkan iyada oo badisay shan kulan laba bar-baro gashay todobadii kulan ee ay ciyaartay ilaa haatan. Waxa ay hal dhibic oo kaliya ka dambeeyaan kooxda Arsenal ee hogaanka u haysa horyaalka.

Kooxda Man United ayaa dhinaca kale kalsooni weyn qabta kadib markii ay qaab ciyaareed fiican soo bandhigeen isla markaas badiyeen 4-tii kulan ee ugu dambeeyay.

Tababaraha Manchester United ayaa ku adkeystay inuu ku kalsoon yahay in kooxdiisu ay garaaci karto kooxda Pep Guardiola.

Ten Hag, si kastaba ha ahaatee, wuxuu carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in ciyaartoydiisu ay isku duubnaadaan una ciyaaraan si koox ahaan ah si ay u garaacaan Man City.

“Kaliya lama ciyaarayno, Haaland, waxa aan la ciyaaraynaa Man City”ayuu Ten Hag yidhi.

“Waxa aan ku qanacsanahay awoodeena, hadii aan si koox ahaan ah u ciyaarno waanu garaaci karnaa Man City waana waxa aan u baahanahay kulanka Axada”.

1 Comment

Comments are closed.