Erik ten Hag Oo Dhaleeceeyay Alejandro Garnacho Kadib Bar-Barihii Bournemouth

Erik ten Hag ayaa dhaleeceeyay qaab ciyaareedka Alejandro Garnacho ka dib barbarihii 2-2 ee Manchester United ay la gashay Bournemouth, isagoo sheegay inuu badalay xiddiga si uu u soxo kooxda.

United ayaa soo bandhigtay qaab ciyaareed aan fiicneyn qeybtii hore iyadoo Bournemouth ay labo gool ku hormartay waxaana u kala dhaliyay Dominic Solanke iyo Justin Kluivert.

Bruno Fernandes ayaa dhaliyay labadii gool ee barbaraha ee United iyada oo mid ka mid ah rikoodhe ahaa.

Dhanka kale Garnacho ayaa qeybtii hore ee ciyaarta ku dhibtooday inuu qaab ciyaareed fiican soo bandhigo, waxaana lagu soo badalay Amad Diallo qaybtii nasashada.

Isagoo hadlayay ka dib barbarihii kooxdiisa, Ten Hag ayaa iftiimiyay dhibaatada United ee garabka midig iyo go’aankii uu ku badalay Garnacho.

Markii wax laga weydiiyay arrinta dhanka midig ee United ee goolkii Kluivert, Ten Hag wuxuu yiri:”Mar hore ayay dhacday taas ka hor”.

Markii la weydiiyay haddii ay taasi tahay sababta Garnacho loo bedelay, Ten Hag wuxuu ku jawaabay:”Waxaan u maleynayaa inay tahay inaan hagaajino dhinaca midig”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga