Erik Ten Hag Oo Bilad Ka Helaya Man United, Hadiii.

Manchester United ayaa laga yaabaa inay Erik ten Hag ku maamuusto bilad haddii kooxdu ay ku guulaysato koobka Europa League, sida ay warinayso Goal.

United ayaa qarka u saaran inay u soo baxdo finalka, ka dib markii ay 3-0 ku garaacday Athletic Bilbao lugtii hore ee semi-finalka.

Lugta labaad ee kulanka ayaa lagu ciyaari doonaa Old Trafford Khamiista.

Red Devils ayaa finalka wajihi karta Tottenham Hotspur, hadii ay badisana waxa ay heli doontaa 50 biladood.

Tani waxay u ogolaanaysaa iyaga ikhtiyaarka ah in ay bilado guddoonsiiyaan xubnaha shaqaalaha ee aan hadda joogin naadiga.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga