Eric Garcia Oo Ay Ka Go’antahay In Uu Isaga Tago Man City, Kooxdee Ayuu Ku Wajahanyahay?

Eric Garcia waxa wali ka go’an in uu ka tago kooxda Man City.

Wargayska The Sun ayaa sheegaya in uu xiddigu diidi doono isku day kasta oo ay ay kooxda Man City isku dayi doonto in ay heshiis cusub uga saxiixato.

Xiddiga 19 jirka ah ayaa doonaya in uu si xor ah ugu laabto kooxda Barcelona xagaaga hadii ay Man City u diido in uu ku biiro suuqa January.

Barcelona ayaa doonaysay saxiixa xiddiga suuqii xagaaga laakiin waxa ay diiday in ay Miiska saarto lacagta 18-ka milyan ah ee ay Man City dalbanaysay.

Eric Garcia ayaa haatanba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxda Barcelona waxana uu sugayaa inta ay Barcelona dhamaystiri doonto saxiixiisa.

Sii Akhriso: Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Oo Cafis U Fidiyay Xildhibaan Ka Tirsan Somaliya Oo Ka Soo Jeeda Somaliland.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*