
Tababaraha kooxda Chelsea, Enzo Maresca, ayaa xaqiijiyay in labada Xiddig ee Romeo Lavia iyo Benoit Badiashile ay seegi doonaan kulanka Premier League ee ay kooxdiisu la ciyaari doonto West Ham United habeenka Jimcaha sababo la xiriira dhaawac.
Tababaraha reer Talyaani ayaa sidoo kale sheegay in ciyaartoyda sida Tosin Adarabioyo iyo Wesley Fofana ay labaduba diyaar u yihiin kulanka jimcaha ee Hammers ee ka dhacaya London Stadium.
Maresca ayaa sidaas sheegay intii lagu jiray shirkiisa jaraa’id ee ka hor kulanka khamiistii isaga oo bixinayay xog ku saabsan kooxdiisa.
“Tosin waa diyaar berrito,” Maresca ayaa tiri.
“Waan yara yaabay sababtoo ah usbuucii hore markii aan la heli karin, maalin ka hor waxay ahayd meel kasta [warbaahinta] in aan la heli karin”.
“Hadda ma garanayo sababta aadan u ogeyn inuu diyaar yahay! Laakiin haa, waa la heli karaa”.
“Romeo weli wuu maqan yahay [mana ciyaari doono kulankaan].
Chelsea ayaa ciyaarta ku soo aadaysa ka dib markii ay barbaro 0-0 ah la gashay Crystal Palace kulankeedii ugu dambeeyay, halka West Ham guuldaro 3-0 kala kulantay Sunderland.
Be the first to comment