Enzo Maresca ayaa jebiyay aamusnaantiisii ku saabsan warbixinnadii dhawaan uu qoray David Ornstein, kuwaas oo la xiriirinayay tababaraha Chelsea inuu beddelo Pep Guardiola oo ka tagaya Manchester City.
Tababaraha ayaa shir jaraa’id ku yiri:
“Arrintaas wax saamayn ah iguma yeelanayso gabi ahaanba. Waan ogahay in ay tahay 100% mala-awaal, waqtiganna ma jiro waqti arrimahan loo fiiriyo”
” Waxaan halkan kula jiraa qandaraas ilaa 2029, diiraddayduna waa naadigan. Aad ayaan ugu faanayaa inaan halkan joogo. Waa mala-awaal kaliya. Toddobaad ka horna sidaas oo kale ayay ahayd Juventus, sidaas darteed ma siinayo wax dareen ah”
” Mar kale, waa mala-awaal uun. Waa muhiim in la fahmo sababta warkan u soo baxay, balse taasi shaqadayda ma aha. Aniga waxba igama gelin, diiraddayduna waxay saaran tahay ciyaarta Newcastle.”
Be the first to comment