England Mise Germany Laba Ey Oo Saadaaliyay Kulanka Adag Ee Labada Xul Ku Dhexmari Doona Euro 2020?

Laba Ey ayaa saadaaliyay natiijada kulanka xulka qaranka England iyo Germany ee ka tirsan wareega 16-ka tartanka Euro 2020.

Xulalka England iyo Germany ayaa isaga hor iman doona Wembley kulan dhici doona salaasada soo socoto iyada oo labada xul isha ku hayaan in ay iska xaadiriyaan wareega 8 dhamaadka tartanka euro 2020.

Wargayska The Sun ayaa sheegay in Labada Ey xulka England u saadaaliyeen in ay garaaci doonaan xulka Germany iskana xaadirin doonaan wareega 8 dhamaadk tartanka Euro 2020.

Kulankan ayaa ah midka ugu adage e la daawan doono Wareegan iyada oo labada ku soo kala bexeen kaalinta 1-aad iyo 2-aad ee Group-yadooda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*