
Emmanuel Petit ayaa sharaxay sababta Mohamed Salah, Lamine Yamal, iyo Raphinha magacyadooda aysan uga soo muuqan doonin abaalmarinta Ballon d’Or bisha October.
Seddexda ciyaaryahan ayaa ka mid ahaa weeraryahanadii ugu fiicnaa Yurub xilli ciyaareedkan, iyagoo guulo gaadhsiiyay kooxohooda.
Mohamed Salah ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah xilli cigaareedkan isaga oo kooxdiisa kula guulaystay horyaalka Premier League.
Yamal iyo Raphinha ayaa sidoo kale kooxda Barcelona kula guulaystay hal koob ilaa haatan Halka ay sidoo kale qarka u saaranyihiin horyaalka La Liga.
Petit uma maleynayo in mid ka mid ah seddexda ciyaaryahan ay ku guuleysan doonin Ballon d’Or.
Petit ayaa aaminsan in Dembele ku guulaysan doono abaalmarinta.
“Waxaan filayaa in Dembele uu ku jiro xilli ciyaareedkiisii ugu fiicnaa ilaa haatan, magaciisa waxa uu ku yaalaa Ballon d’Or dhamaadka xilli ciyaareedkan”.
Be the first to comment