Emiliano Buendia Oo Ugu Dambayn Ka Hadlay Wararka La Xidhiidhinaya Arsenal, Fariin Ayuu Diray.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Norwich City ee Emiliano Buendia ayaa ka hadlay wararka la xidhiidhinaya kooxda Arsenal inta lagu jiro suuqa January ee bishan.

Emiliano Buendia ayaa sheegay in uu kaliya diirada saarayo kooxdiisa Norwich City iyo waliba in u ka caawiyo kooxda ku soo laabashada premier League.

Xiddiga reer Argentine ee Emiliano Buendia ayaa bartilmaameed u ah Mikel Arteta kaas oo doonaya xiddig kubad sameeye ah.

Emiliano Buendia ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay intii uu joogay kooxda Norwich City isaga oo xilli ciyaareedkan dhaliyay 7 gool 7 kalena caawiye ka noqday.

Xiddiga Arsenal ayaa la sheegayaa in ay diyaarinayso dalab Rasmi ah maalmaha soo socda si ay ugu xoojiso khadka dhexe xilli ciyaareedkan.

Markii la weydiiyay haddii ujeedkiisu yahay inuu ku laabto Premier League Buendia oo waraysi siiyay Radio Residencias ayaa yidhi”Haa mar walba waan doonayaa sidaas”.

“Waa horyaalka ugu weyn adduunka waana mid ay isugu yimaadaan xiddigo badan oo kala heer ah”.

“Koox walba waxa ay kooxda kale ku adkaysaa nolosha waxana aan doonayaa in aan Norwich Kula laabto premier Legaue”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*