Emile Heskey Oo Sameeyay Saadaalinta Horyaalka Premier League

Emile Heskey ayaa ku taageeray Liverpool inay ku guulaystaan horyaalka premier League xilli ciyaareedkan hadii ay xiddigaha muhiimka ah taam u noqdaan xilli ciyaareedka oo dhan.

Tartanka horyaalka premier League ayaa ah mid adag xilli ciyaareedkan iyada oo ay kooxaha Liverpool, Chelsea, Man United iyo Man City dhamaantood ku tartamayaan horyaalka.

Kooxda chelsea ayaa haatan hogaaminaysa horyaalka premier League iyaga oo hal dhibic ka horeeya Liverpool halka ay 2 dhibcood ka horeeyaan kooxaha Man United iyo Man City.

Heskey ayaa la dhacsan qaab ciyaareedka kooxdiisa iyo waliba gool dhalinta xiddigaha Mohamed Salah, Sadio Mane Iyo Roberto Firmino laakiin waxa uu weeraryahankii hore ee England ka wal-walsanyahay taayda kooxda Man City.

“Muhiimada Liverpool waa in ay ilaaliyaan taam ahaanshaha kooxda 1-aad, hadii ay kooxda 1-aad taam ka dhigaan waxa ay ku guulaysan karaan horyaalka premier League”ayuu Heskey yidhi.

“Waa arin la yaab leh marka aad eegto Man City, marka uu xiddig dhaawacmo waxa jooga xiddigo kale oo fiican, waxna u malaynayaa in ay Man City tahay kooxda kaliya ee isku si u ciyaaraysa xiddig walba oo ka dhaawacma”.

“Laakiin hadii ay Liverpool waydo Salah, Mane iyo Firmi o, waxa ay noqonayaan koox kale”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*