Emerson Palmieri Oo Ka Hadlay Wararka Sheegaya In Uu Isaga Tagayo Chelsea.

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Chelsea ee Emerson Palmieri ayaa sheegay in uu ka niyad jabsan yahay wararka beenta ah la xidhiidhinaya in uu isaga tagayo kooxda Chelsea xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga reer Italy ayaa si cadho leh uga hadlay wararka beenta ah ee la xidhiidhinaya in uu ka tagayo kooxda chelsea dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Kooxaha Inter Milan iyo Juventus ayaa la fahmsan yahay in ay doonayaan xiddiga reer Italy kaas oo ka soo ciyaaray horyaalka Serie A-da ka hor intii uuna ku soo biirin chelsea.

Emerson Palmieri ayaa bogiisa Instagram-ka kaga jawaabay wararka la xidhiidhinaya in uu ka tagayo kooxda Chelsea dhamaadka xilli ciyaareedkan.

“Aduunku waxa uu marayaa wakhti adag laakiin waxa jira saxafiyo qoraya warar been ah”ayuu Emerson soo qoray.

Advertisements

“Inta Badan ma hadalo laakiin waxa aan doonayaa in aan ka hadlo warkan beenta ah”.

“Waxba kama jiraan wararkaas kamana fikirayo in aan ka tago kooxda chelsea”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*