
Waxa lagu guda jiraa suuqa kala iibsiga xagaagan iyada oo kooxuhu dadaal ugu jiraan xoojinta kooxda.
Waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa wararkki ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga xagaagan.
Liverpool ayaa la filayaa inay kula tartanto Newcastle United weeraryahanka Faransiiska ee Eintracht Frankfurt Hugo Ekitike, 23, Hadii ay Newcastle u sheegto hadii Alexander Isak oo 25 jir inuusan iib ahayn (Sky Sports).
Newcastle ayaa aaminsan in ay Liverpool doonayso in ay rogto qalbiga Isak kadib markii ay sheegeen in ay diyaar la yihiin 120 milyan si ay u helaan xiddiga reer Sweden (Telegraph).
Liverpool ayaa sidoo kale bilowday wadahadalo ay ku doonayso xiddiga Ekitike (Mail).
Napoli ayaa Liverpool u sheegtay in ayna u dhaqaaqi doonin saxiixa xiddiga Darwin Nunez suuqa xagaagan (Fabrizio Romano).
Xiddiga Liverpool ee Luis Diaz ayaa u sheegay kooxdiisa in uu doonayo in uu isaga tago kooxda xagaagan xilli ay Reds diiday dalab 67 ah oo ay Bayern Munich ka soo gudbisay saxiixa xiddiga (Athletic).
Manchester United ayaa diwaan galisay xiisaha ay u qabto saxiixa khadka dhexe ee Juventus iyo Brazil Douglas Luiz xagaagan, iyadoo Everton ay sidoo kale xiiseyneyso 27 jirkaan (Football Insider).
Daafaca dhexe ee Liverpool iyo France Ibrahima Konate, oo 26 jir ah, ayaa diiday dalab uga yimid horyaalka sucuudiga (Mirror).
Liverpool ayaa ku iibinaysa daafaca Konate lacag dhan 43 milyan oo euro suuqa xagaagan (AS).
Kooxda Man United ayaa diiday in ay bixiyaan lacag ka badan 65 milyan oo euro si ay ula soo wareegto Bryan Mbeumo (Mirror).
Kooxda Liverpool ayaa doonaysa in ay hesho saxiixa xiddiga kooxda Real Madrid ee Rodrygo (Metro).
Be the first to comment