Edwin van der Sar Oo Kashifay Sababtii Ay Arsenal Uga Diideen Saxiixa Lisandro Martinez.

Isagoo la hadlayay The Athletic, agaasimaha ciyaaraha ee Ajax Edwin van der Sar ayaa yiri: “Arsenal waxay horaantii xagaaga u timid Lisandro Martinez.

“Laakiin waxa aan ku nidhi, waadmahadsantihiin dalabka fiican laakiin waxa aan doorbidaynaa in aan sii haysano halkii aan wadahadalo bilaabi lahayn”.

“Marka aad rabto ciyaaryahan, waxaad u badan tahay inaad bixiso wax yar oo dheeraad ah, aniga ahaan, waxay ahayd wadahadal cadaalad ah oo aan la yeelanay Man United”.

Martinez ayaa ku dambeeyay in uu ku biiro kooxda Man United kadib markii ay United bixisay lacag dhan 47 milyan oo euro iyo waliba 8 milayn oo guno ah halka ayna Arsenal la soo wareegin daafac cusub.

Daafaca reer Argentine ayaa si dhakhso ah isaga dhigay xiddig muhiim u ah kooxda Man United tan ilaa markii uu ku soo biiray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*