Eduardo Camavinga Oo Doortay Horyaalka Uu Ku Biiri Doono Hadii Uu Ka Tago Rennes

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Rennes ee Eduardo Camavinga ayaa iska diiday kooxaha premier League ee doonaya uguna horeeyaan kooxaha Arsenal iyo Man United isaga oo doortay ku biirista horyaalka La Liga sida ay sheegayaan wararku.

Da’yarka kooxda Rennes ayaa soo jiitay kooxaha Manchester United, Arsenal iyo Paris Saint-Germain kuwaas oo doonaya saxiixa xiddiga suuqa kala iibsiga xagaagan.

Laakiin sida laga soo xigtay The Telegraph, Camavinga ayaa doortay in uu u dhaqaaqo horyaalka La Liga hadii uu ka tago kooxda Rennes.

Kooxaha Real Madrid iyo Barcelona ayaan dalab ka gudbin karin xiddiga 18 jirka ah sabab la xidhiidha xaalada dhaqaale xumo ee ay ku jiraan.

Laakiin labada kooxood ayaa fursad fiican u haysta saxiixa xiddiga xagaaga dambe marka uu dhoco heshiiska xiddiga ee kooxda Rennes.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Tallo Culus Oo Aad Ku Heli Kartid Jacaylka sodohdaa

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*