Eduardo Camavinga, N’Golo Kante & Paul Pogba? Real Madrid Oo Doortay Xiddiga Ay Bartilmaameedka 1-aad Ka Dhiganayso.

Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay xiddiga Eduardo Camavinga u calaamadsatay bartilmaameedkooda 1-aad ee khadka dhexe iyaga oo aan u dhaqaaqi doonin saxiixa xiddigaha khadka dhexe ee N’Golo Kante iyo Paul Pogba.

Los Blancos ayaa la filayaa in ay is badal weyn ku samayso kooxdeeda marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga dambe maadama oo ayna wax saxiix ah samayn xagaagan.

Kooxda Real Madrid ayaa lala xidhiidhinayay xiddigaha khadka dhexe ee N’Golo Kante iyo Paul Pogba kuwaas oo la filayo in ay ka tagaan kooxohooda chelsea iyo Man United.

Laakiin wargayska MARCA ayaa sheegaya in uu xiddiga 17 jirka ah ee Eduardo Camavinga yahay bartilmaameedka 1-aad ee Real Madrid isaga oo ka horeeya xiddigaha Pogba iyo Kante.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*