Edinson Cavani Oo Marcus Rashford & Mason Greenwood Siiyay Talo Ka Dhigaysa Xiddigaha Ugu Fiican Adduunka.

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man United ee Edison Cavani ayaa xiddigaha da’yarka ah ee ay isku kooxda yihiin ee Marcus Rashford iyo Mason Greenwood u sheegay in ay si adag u shaqeeyaan hadii ay doonayaan in ay horumar sameeyaan kana mid noqdaan xiddigaha ugu fiican adduunka.

United ayaa Cavani kula soo saxiixatay qaab xor ah maalintii ugu dambaysay ee suuqa kala iibsiga xagaaga si ay ugu xoojiyaan weerarka.

33 jirkan ayaa dhaliyay wax ka badan 400 oo guul xulka iyo kooxaha waxana uu ka mid ah yahay weeraryahanada ugu halisan ee ka ciyaara yurub sanadihii ugu dambeeyyay.

Cavani ayaa ku soo biiray weerarka United ee da’yarka kuwaas oo kala jira Greenwood 19, Rashford 22 iyo Martial 24 sano.

Xiddigii hore ee kooxaha Napoli iyo PSG ayaa doonaya in uu khibradiisa la wadaago xiddigaha da’yarka ah waxana uu u sheegay in ay si adag u shaqeeyaan.

“Uma malaynayo in ay jirto talo ka fiican in aad si adag u shaqayso marka aad ku jirto garoonka ciyaarta ama tababarka”ayuu Cavani yidhi.

“Sababta oo ah guulo kama gaadhaysid kulamada in aad iska timaado garoonka”.

“Waxa aan guulaha gaadhaysaa marka aad tababar qaadto, waxa aad kulamada gaadhaysaa kulamada marka aad diyaar garawdo si adagna u shaqasyo ka hor kulanka”.

“Waxa aan halkan u imid in aan qabto waxa awoodayda ah waxa aan doonayaa in aan u gudbiyo khiradayda xiddigaha iyo tababaraha waxana aan diyaar u ahay in aan qabto waxa aan awooddo”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*