Edinson Cavani Oo Man United U Sheegay Go’aankiisa Kama Dambaysta Ah Ee Mustaqbalkiisa Man United.

Xiddiga weerarka uga ciyaara Man United ee Edinson Cavani ayaa lagu soo waramayaa in uu maamulka kooxdiisa Red Devils u sheegay in uu isaga tagi doono kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga reer Uruguay ayay 2 sano uga hadhay heshiiskiisa kooxda Man United waxana si weyn loola xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo kooxda laakiin tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa qirtay rabitaankiisa ah in uu sii haysto xiddia.

United ayaa rajaynaysa in ay ugu yaraan hal sano sii haysato xiddiga laakiin 34 jirkan ayaa diiday in uu sii joogo kooxda isaga oo u sheegay in uu doonayo in uu isgaa tago kooxda xagaaga.

Wargayska Doble Amarilla ayaa sheegay in uu Cavani Maamulka Red Devils u sheegay in uu doonayo ku laabashada horyaalka South America dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Wararka ayaa sheegaya in uu Cavani United u sheegay in uu doonayo in uu u dhawaado qoyskiisa laakiin uuna rabitaankiisa ah in uu ka tago kooxda uuna sabab u ahayn European Super League.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Maxaad Ku Jawaabi Hadii Gabadh Aad Ka Heshay Ku Waydiiso Da’daada?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*